Tabarucaada Dib u noolaynta Dhaqaale ee Waddada Weyn

Iyadoo lala kaashanayo Waaxda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Minnesota iyo RAEDI.

Language: English - US English | Language support for: Spanish Español | Language support for: Somali Somali | Language support for: Arabic العربية | Language support for: Khmer ភាសាខ្មែរ

Wakaaladda Horumarinta Dhaqaalaha ee Xarunta Caafimaadka ee Bar-dhammaadka (DMC) waxa lagu abaalmariyey maalgelin iyada oo loo sii marayo Barnaamijka Soo noolaynta Dhaqaalaha Waddada Weyn ee Waaxda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Minnesota (DEED) si ay u bixiso deeqo kharash la’aan ah oo loogu talagalay ganacsiyada hadda ama kuwa mustaqbalka ee gudaha southeast Crossroads ilaa Bear Creek iyo Degmada Northwest Design iyo Aagga Northgate ee mashaariicda horumarinta caasimadda. waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

  • Dayactirka ama dib u hagaajinta hantida, oo ay ku jiraan balaadhinta iyo ku darida
  • Burburinta, diyaarinta goobta, iyo dhisitaanka dhismaha (gudaha ama bannaanka dhismaha midkood)
  • Dhulbixinta,wadabixinta iyo laxiriira boos nadaafinta
  • Burburinta iyo diyaarinta goobta
  • Injineereynta, hore u naqshadeynta iyo shaqada naqshada

    Faahfaahinada Tabarucaada:

    • Deeqaha waxa heli doonaa dhammaan ganacsiyada iyo ururada ku sugan goobaha la ansixiyey, laakiin mudnaanta waxaa la siin doonaa ganacsiyada kala duwan ee dadka deegaanku leeyihiin.
    • Codsadayaashu waa inay xaqiijiyaan 70% kharashka mashruuca
    • Abaalmarinta ugu badan ee $750,000 mashruuc kasta

    Ka hor inta aadan bilaabin codsigaaga, waxaad u baahan doontaa:

    • Qiyaasta kharashaadka mashruuca ee ko socda qandaraasle guud ama qandaraasleyaasha kale ee qaban doona shaqada (dacyactirka tubbooyinka, naqshadeynta, iwm.)
    • Dukumeenti cadeyn ah oo la xaqiijiyey 70% ee kharashka mashruuca – tusaale: warqad ka timid deyn bixiyaha(yaasha); bayaan bangi oo muujinaya cadadka loo baahan yahay; warqad ka socota maalgashtaha; warqadda(daha) abaalmarinta tabarucaadada; isku darka mid kasta oo ka mid ah

    Waxaan u joognaa inaan caawinno

    Ma u baahan tahay caawimaad codsiga? Waxaan leenahay ‘navigators’ kuwaas oo u heellan inay caawiyaan ganacsigaaga.

    Need Help Financing?

    We have partners ready to help you finance your next “Main Street” project.

    Main Street Grant Co-designers

    Photo of Dina Abo Sheasha
    View Bio

    Dina Abo Sheasha

    Photo of Amgad Hassan Elnaseih
    View Bio

    Amgad Hassan Elnaseih

    Photo of Jose Torres Miller
    View Bio

    Jose Torres Miller

    Photo of Chad Poitra
    View Bio

    Chad Poitra

    Photo of Manasseh Kambaki
    View Bio

    Manasseh Kambaki

    Photo of Tiffany Alexandria
    View Bio

    Tiffany Alexandria

    Su’aalaha Inta badan La Isweydiyo ee Barnaamijka Dib u nooleynta Dhagaalaha Wadada Weyn

    Waa maxay Barnaamijka Tabarucaada Dib u nooleynta Dhagaalaha Waddada Weyn?

    Tani waa hindise ay dowladdu maalgeliso oo loogu talagalay in lagu bixiyo tabarucaada si loogu hormariyo mashaaricda raasumaalka ganacsiga degmooyinka ganacsiga dhexe ee gobolka oo dhan.
    Mashruucyada oo u sababa hormarino qaab dhismeed kasta oo waara ama hantida maguuraanka ah kale lagu darey hantida taas oo kudarta qiimaheeda ayaa ah mid sharci ah. Kharashyada ganacsiga hawlgalka maaha kuwa u qalma. Codsadayaashu waa inay sidoo kale haystaan ilo kale oo maalgelin ah si ay u waafaqaan kharash kasta oo uu bixiyo barnaamijkan.

    Yaa maamulaya deeqada barnaamijka ee guddaha Rochester?

    Tabarucaada waxaa maamula Xarunta Caafimaadka Bar-dhammaadka ee Hay’ada Hormarinta Dhaqaalaha oo ku taal faras-magaalaha Rochester. DMC EDA-da lagu codsaday oona lagu helay abaalmarinta deeqda iyadoo ay taageerayso City of Rochester iyo Hindisaha Horumarinta Dhaqaalaha ee Deegaanka Rochester (RAEDI).

    Mashaariicda u qalma waa inay ku guda jiraan meelaha la ansixiyay.

    Yaa laga yaaba Inuu codsan karo maal gelin?

    Shakhsi ama shirkad kasta oo qorsheynaysa inay maalgashato mashaariicda raasumaalka u qalmo ee meelaha la ansixiyay way codsan karaan.

    Maxay yihiin ururada aan u qalmin maalgelinta tabarucaada?
    • Ganacsiga wax soo saarka, qaybiya, iibiya ama sameeya hawlo si cad ula xariira qalabka galmada.
    • Ganacsiga kusocda dakhli aan laga fiirsanin oo aan lahayn hariir hawlgal dhanka hawlaha ganacsiyada.
      Ganacsiga hawlihiisa aasaasiga ah diiradda lagu saaray hawlo khatar ganacsi leh oo kobcinaya faa’iidada isbaddelka qiimaha halkii ay ka ahaan lahayd habka ganacsiga caadiga ah.
    • Ganacsiga sameeya in kabadan nuska dakhliga sannadlaha kayimaada hawlaha deynta.
    • Ganacsiga gala iibka ahraamka, taas oo niyada kaqeybgalaha aasaasi u ah ay ku tiirsantahay iibka lagusameeyo nambarka kaqeybgalayaasha waligiisa iskordhiya.
    • Ganacsiga gala hawlaha oo ay mamnuucey sharciga federaalka ama sharciga loo isticmaali karo sharci maxkamad meesha ganacsiga kuyaala ama lagu qabto.
    • Ganacsiga ku hawlan shirkada qamaarka, ilaa ganacsiga uu ka helo wax ka yar 50% dakhligeeda saafiga ah ee sanadlaha ah ee iibka bakhtiyaanasiibka.
    Maalgashigee laga yaaba in lagu maalgeliyo deeqda?

    Maalgaliyaasha raasumaalka, sida:

    • Dayactirka ama dib u hagaajinta hantida, oo ay ku jiraan balaadhinta iyo ku darida
    • Burburinta, boos diyaarinta,iyo dhisida dhismaha
    • Dhulbixinta,wadabixinta iyo laxiriira boos nadaafinta
    • Injineereynta,dib unaqshadeynta iyo naqshad shaqo
    • iyo Kaabayaasha dhaqaalaha
    Waa maxay ujeedooyinka aasaasiga ah?
    • Dib u soo nooleynta hantida ku taalo degmada DMC ee ay waxyeello ka soo gaartay dhacdooyinkii labadii sano ee la soo dhaafay.
    • Kor u qaadida fursadaha ku aadan BIPOC, ruug cadaaga, ama Shirkadaha Ganacsiga ee Liita, ama ganacsiga naafada ah iyo milkiilayaasha hantida.
    • Abuurista iyo haysashada shaqooyin joogto ah.
      Awood u siinaya ganacsiyada jira inay xoojiyaan oo ay badiyaan badeecooyinkooda iyo adeegyadooda.
    Maalgashiga miyaa loo heli karaa mashruucyasha la dhameystirey mar hore?

    Haddii aad hore u bilawday mashruucaaga, waxa aad soo gudbin kartaa kharashyada mashruuca si aad u tixgeliso lacag celinta barnaamijka deeqda.

    Kawaran hadii mashruuca mar hore aan bilaabey?

    Haddii aad hore u bilawday mashruucaaga, waxa aad soo gudbin kartaa kharashyada mashruuca si aad u tixgeliso lacag celinta barnaamijka deeqda.

    Maalgashigee laga yaaba in lagu maalgelinin deeqda?

    Sharci ma ahan gadashada booska saxda ah,hadii kale hawlgalka ganacsiga ama qarashaadka ganacsiga socda,sida alaabta, mushaarka,ama raasumaalka shaqeeynaya.

    Imisa deeq abaalmarin ayaa leh DMS EDA’s?

    DMC EDA waxay qaybin doontaa ilaa 3 milyan oo doolar oo deeqo ah degmada DMC iyo ku dhawaad $950,000 lagu qabin doonaa wajiga 2aad (southeast Crossroads ilaa Bear Creek, iyo Degmada Northwest Design iyo Aagga Northgate) oo leh ugu yaraan $3,000 iyo ugu badnaan $750,000 abaalmarin kasta. Abaalmarinahan deeqda waxay dabooli karaan ilaa 30% qarashka mashruuca. Maalgalinta soo hartey waa inay ka imaata ilooyin kale.
    Tusaale ahaan, mashruuca raasumaalka ah ee $100,000 waxa lagu abaalmarin kara ilaa $30,000 Tabarucaada Maalgelinta Wadada Weyn. Haraaga soo harey waaa in lagu maalgaliyaa ilooyin kale.

    Maxaa loo isticmaali karaa maalgashiyaasha is shabaha?

    Deemaha,sinnaan, iyo maalgashiga dowlad deegaanka laga keenin wadanka ama kheyraadka federaalka loo isticmaali karo isku ekaashaha.

    Goormee codsadayaasha xiiseeya codsan karaan maalgashi?

    Codsadayaashu waxay isla markiiba codsan karaan maalgelinta.

    Maalgashiyada waa in la bixiyaa ugu dambayn Diseembar 31, 2024, mashaariicdana waa in la dhammeeyaa meesha lagu gaaro Diseembar 31, 2026.

    Yaa bixinaya deeda maalgashiga?

    Maalgelinta waxaa bixiya Waaxda Shaqada iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Gobolka Minnesota.

    Maxey gobolka Minnesota u bilawdey barnaamijkan?

    Barnaamijka tabarucaada waxa loogu talagalay in lagu caawiyo ganacsiga degmooyinka dhexe dib u dhiska bilic ahaan iyo dib u meeleynta iyada oo ay jiraan isbedelo la taaban karo oo dhaqaalaha magaalada hoose.

    Khariirada Crossroads ilaa Bear Creek Park

    Southeast Crossroads to Bear Creek Park area, comprising an area from 3rd Ave SW (east), 17th Ave SE  (west), 16th St SE (south), and 9th St SE (north).
    Isgoysyada Southeast ilaa aagga Bear Creek Park, oo ka kooban aag laga bilaabo 3rd Ave SW (bari), 17th Ave SE  (galbeed), 16th St SE (koonfur), iyo 9th St SE (waqooyi).

    Degmada Northwest Design iyo Aagga Northgate

    Degmada Northwest Design & Aagga Northgate waxay ka kooban tahay aagga laga bilaabo 4th Ave NW (bari), Highway 52 (galbeed), 2nd St NW (koonfur), iyo 7th St NW (waqooyi).